Mohamed Nuur Giriig - Hohey dumarku - Maalmo Somali music lyrics
Home page.
100 -ka Heesoo ay looga dhageesiga badanyahay .
Live chat Waa meel la isku barto oo Aad kala sheekeesan karto Dhalinta onlineka ah .

Heesta ayaa daarmeesa
Name

Hohey dumarku

Artist Mohamed Nuur Giriig
120,524 views

Hiif iyo dhibaatiyo
Waa howl aduunyadu
Huqda kuu horseeddee
Hagar daama weyn iyo
Hoosaaso weeyaan
Lagu kala halaabee

Lyrics by Maalmo.com

Hohey dumarku waa
Har qaboobe damaloo
Hanfiyo dabayl lehe

Hurintii labuun baa
Intay kugu hagaagaan
Samo laga helaayee
Inta kale huf weyaan
Hadba gees ukacayee

Hoheey dumarku
Waa adoo haraadan
Biyo kuu hiraayee
Hoheey dumarku waa
Hed iyo la’ayaan
Ragu ka hari wayee

Hohey dumarku
Waa hawlaha aduunyada
Hilin loo maraayee
Waa kuwa halyeey nin ah
Nacas soo hormariyee
Hanti kugu jeclaadee
Huqda iyo dhibaatada
Kugu soo hagaajee

Hoheey dumarku
Waa adoo haraadan
Biyo kuu hiraayee
Hohoy dumarku waa
Hed iyo la’ayaan
Ragu ka hari wayee

Hoheey dumarkuu
Waa hurgumiyo xanuun
Kugu hoos jiroo
Booraamo hadimiyo
Hogog lagu dhacaayoo
Ku hantaaaqo weeyee
Hal adeyga waa duul
Habeen lagu talaalee

Hoheey dumarku
Waa adoo haraadan
Biyo kuu hiraayee
Hohoy dumarku waa
Hed iyo la’ayaan
Ragu ka hari wayee

Hoheey dumarku
Waa hamo beena iyo
Riyo ku hortimaadee
Waxay hayb wadaagaan
Kolba dunida heerkii
Galabtaa hilaacee
Marba waxa horjooga
Ayaga u hagaagsan

Hoheey dumarku
Waa adoo haraadan
Biyo kuu hiraayee
hohoy dumarku waa
Hed iyo la’ayaan
Ragu ka hari wayee

Heesaha kale Mohamed Nuur Giriig Riix magcan

Leave a Reply