Mursal Muuse - Dheel dheel - Maalmo Somali music lyrics
Browse by Band / Artist :ABCDEFGHIJKLMNOPQRSTUVWXYZ  |  Top 50 Artists
.


Dheel dheel

midabkaad u dhalitiyo
wajigaada dheeha leh
dhabarkiyo xubnaha bilan
rabi ku dhameys tiray
xubno dheeli tiranoo
dhufashada talaabada
xaragadu u dheertahay
waxaan dhankaagiyo
dhinacaaga kugu dhugi
waligeyna dheel dheel
dheel kugu ilaawen

Lyrics by Maalmo.com

dhabta oon ku seexdiyo
dhumigaan wadaaga leh
dhaldhalaalka xiisaha
farxad aan dhamaaneyn
erey aan dhaliiliyo
hadal aani i dhaawaca
marwadii ka dhowrsoon
waxaan dhankaagiyo
dhinacaaga kugu dhugi
waligeyna dheel dheel
dheel kugu ilaawen

Songs from similar artists