Khadra Silimo - Laabtaada igu haay - Maalmo Somali music lyrics
Browse by Band / Artist :ABCDEFGHIJKLMNOPQRSTUVWXYZ  |  Top 50 Artists
.


Laabtaada igu haay

Ladananow Jacaylkii
Qalbigayga laazimay
Maantaa ka ladayaoow
Iga haray lurkiisoow x²

Lyrics by Maalmo.com

Labadaynu gacalaow
Mar hadaan lilaahi
Isku nahay lamaanow
Aan Libinta gaarnee x²

Lumin maayo aniguyee
Yuu liicin caashaqa x²

Ka ogoow lugooyada
Laabtaada igu haay x²

Mursal muuse :
Anigabba ladaneey
Leebkii jacaylkaa
Wadnahayga liganoow
Isma loodin karayee x²

Labadeena gacaloow
Waynu gaarnay libintii
Ila laba libis caashaqa
Adaan kugu lamaaneee x²

Lumin maayo aniguyee
Yuu liicin caashaqa x²

Ka ogoow lugooyada
Laabtaada igu haay x²

Khadra Siliimo:

Habeen qura kumaan lidin,
Laabtadan igu qaban
Inagoo Lamaana ah
Leersi Maalmo igu baxin x²

Labadeenu Gacaloow
Mar hadaan Lilaahi
Isku nahay Lamaanoow
Aan libinta gaarnee x²

Lumin maayo aniguyee
Yuu liicin caashaqa x²

Ka ogoow lugooyada
Laabtaada igu haay x²

Mursal Muuse:
Luqanta iyo dhabankiyo
Laafyahaada kala shuban
Ishi libicsigeeda
La’igama horeeninee

Labadeena gacaloow
Waynu gaarnay libintii
Ila laba libis caashaqa
Adaan kugu lamaaneee x²

Lumin maayo aniguyee
Yuu liicin caashaqa x²

Ka ogoow lugooyada
Laabtaada igu haay x²

Songs from similar artists