Nimco Dareen - Xasilooni - Maalmo Somali music lyrics
Browse by Band / Artist :ABCDEFGHIJKLMNOPQRSTUVWXYZ  |  Top 50 Artists
.


Xasilooni play Video of this song

Qalbigii xiisaha kaa damqaday
markaad xumo ula bareedhay
xiriirka dhexdeena gooysay

Lyrics by Maalmo.com

Laabtii kuu xalneeyd in badan
xajiinta markaad u quudhay
xogtaadi i deeqi weeyday

Damiirkii aad xujeysay
dib buu ka xisaabtamoo
xanuunku jaceylku badey
xiskeyga inaan ka meyroo
xaal baan u arkaa nafteyda
inaan xasilooni baro

Dookheyga adigoo xaqiray
xurmiyo sharaftii ka tagey
garashoo igu xeerin waaye

Xanateena markaad foogeesay
xigto iyo gacalkii u tabisay
waliba xidigaha is geesay

Damiirkii aad xujeysay
dib buu ka xisaabtamoo
xanuunku jaceylku badey
xiskeyga intaan ka meyroo
xaal baan u arkaa nafteyda
inaan xasilooni baro

Songs from similar artists