Omar Dhuule 'Cumar' - Baydhabo - Maalmo Somali music lyrics
Home page.
100 -ka Heesoo ay looga dhageesiga badanyahay .
Live chat Waa meel la isku barto oo Aad kala sheekeesan karto Dhalinta onlineka ah .

Heesta ayaa daarmeesa
Name

Baydhabo

Artist Omar Dhuule 'Cumar'
126,720 views

Nin jaceylku beerkiyo
kala jaray boggisoo
Baadi gooba baan aho
Waan kula balami lahaa
Barya hadalka qaada
Miyaa baladka dhaaftaa
Dhulka kalle u badantahay
Beydhabo ma gaadhaa

Lyrics by Maalmo.com

Midaan baafinaaye
Igu beertay caashaqa
Janna Bilicsanteydii
Waa Bartey ku dhalatee
Barya hadalka qaadaa
Miyaa baladka Dhaaftaa
Dhulka Kalle u badantahay
Beydhabo ma gaadhaa

Waa dhul wada barwaaqa
Aan abaartu baranoo
Beeshi dag maagtaba
Barya kama hayaantee
Barya hadalka qaadaa
Miyaad Baladkan dhaaftaa
Dhulka kalle u badantahay
Beydhabo ma gaadhaa

Illaahi i barayee
boqolkii shagaashan
Iyadoo bidhaan wacan
Igu beegay subaxoo
Ku bogsaday jaceylkii
Beerkeyga jiife
Waan u bogay nafteyde
Addna ii bishaarey
Barya hadalka qaadaa
Miyaad Baladkan dhaaftaa
Dhulka kalle u badantahay
Beydhabo ma gaadhaa.

Waxaa soo diray: king-shire

Heesaha kale Omar Dhuule 'Cumar' Riix magcan

7 Comments

  1. aad iyo aad baa umaah sdantiihiin heestaan waxbadan ayaan raadinaayay ilaa 4 sano ayay igu qaaday waa hees aad iyo aad umacaan oo aan kahelay runtii

  2. alahyarxam cumar dhuule wale fanaan iga dhe

  3. Nin jaceylku beerkiyo kala jaray boggisoo Baadi gooba baan aho Waan kula balami lahaa…..

    • allow janadii kugeeh cumar dhuulow, adiga iyo fanaanin kale oo badan, waxaa la odhan karaa fankii somaliyeed xadhkaha ayyaa u go’ay, waxan ku noolahay dunida ay ka maqan yihiin ( ilma mooge & cuma dhuule cali. aduunyooy xaalkaa baa.

  4. waa\ hees qaali ahbaydhabo jinaaay

  5. aadban uga helay heetan Beydhabo janaay love uuuuuuuuu Maalmo.com mahadsanidiin

  6. Waxaan Doonayaa Heesta Baydhabo EE Cimar Dhuule lyrics -ah Fadlan Waa Iga Codsi Maalmo waad mahadsan tihiin weaan idin ka sugayaa 

Leave a Reply