Omar Dhuule 'Cumar' - Gareexo v2 - Maalmo Somali music lyrics
Browse by Band / Artist :ABCDEFGHIJKLMNOPQRSTUVWXYZ  |  Top 50 Artists


Gareexo v2 - mp3 ahaan udagso

play Video of this song

Geesi iyo hanad baa la gaboobsadaa
rag ninkii wax garad ah la garwaaqsada
waa nin gala abaaloo gudi kara wanaagoo
sama kuugu gargaaree
gareexiyo adoon godoob u maleeyn
howsaha ilaa gal ama gooni noqo aan kaa go’ee
Alla aan kaa go’ee
ama gooni noqo aan kaa go ee

Lyrics by Maalmo.com

Galad iyo ayaan baa lagu guursadaa
talo aad gorfeysaa geed lala tagaa
runta laga garabaa leys kuma gayaxoo
gees lagama eegeee
gareexiyo adoon godob u maleeyn
howsha ila gal ama gooni noqo aan kaa go ee
aan kaa go eee

Gaban maayoo aniguyee adaa kuu golee
jaceelbaa i gubayee adna ii garoo
ha iigu noqonin geed adag aan go’i kareeninoo
gacma daalinaayee
gareexiyo adoon godob u maleeyn
howsha ilaa gal ama gooni noqo aan kaa go eee
aan kaa go eeee