Omar Dhuule 'Cumar' - Saluugla - Maalmo Somali music lyrics
Home page.
100 -ka Heesoo ay looga dhageesiga badanyahay .
Live chat Waa meel la isku barto oo Aad kala sheekeesan karto Dhalinta onlineka ah .

Heesta ayaa daarmeesa
Name

Saluugla

Artist Omar Dhuule 'Cumar'
79,312 views

Dhaxaad i sidatoo
anoo ku samraayoo
ifka kugu sasabayee

Lyrics by Maalmo.com

Dhaxaan sir iyo caad
wixi aad sameysaba
kuu sacabo tumayee

Ogow samirki waa jiray
waa se kaa goostayoo
sadkiisa dhamaadayee

Isu daa ku boqoryahay
saqiir kuma saboolyahe
isibraar mugiilyahay
oon saa’id lagu darin
sida garoor sanuuglaa

Dhaxansan maayo
sixin iyo ahaa malab
kuu yaal sintaadee

Adiguna saluuglaay
saadasha kheyrkiyo
lumineysaayee

Adiguna suleekhaay
saadasha kheyrkiyo
lumineysaayee

Ogow samirki waa jiray
waa se kaa goostayoo
sadkiisa dhamaadayee

iney sida boor tahay
saxansaxo udgoontahay

Inanyahay sidaadaba
marka hore salaan guud
oo waliba soorya ah
waa inaan ku siiyaa

Marka xiga sirteenee
saadasha wadatee
u sacaba tumayee
seetada laheydee

Aan ku xiray sibraartee
aan ku tuuray sanduuqee
muftaaxeedee suubane
saableyda hoosiyo
sanbabada agtoodiyo
wadnahaaga aan suray

Suudigaan ka saaree
durba siiyay ruc kale

Sadarkaas kii xigaa
mid la socotaa weeyaan
waa baadi sirteydoo
waxan aan ku suganahay

Walow adi aad u sidatoo
mudo aad i samreysoo
ii sama faleyso
sarmadiga ka wacantahay

Sidan aad maanta yeeshiyo
saansaanta muuqda
kaa siisan maayee

Waa maxay saluuglaay
sakaraan is dhaafsamay
sidee buu xaalka kaa yahay

Heesaha kale Omar Dhuule 'Cumar' Riix magcan

1 Comment

Leave a Reply