Omar Dhuule 'Cumar' - Waa Jacayl Aboodiya - Maalmo Somali music lyrics
Home page.
100 -ka Heesoo ay looga dhageesiga badanyahay .
Live chat Waa meel la isku barto oo Aad kala sheekeesan karto Dhalinta onlineka ah .

Heesta ayaa daarmeesa
Name

Waa Jacayl Aboodiya

Artist Omar Dhuule 'Cumar'
105,134 views

Waa jacayle aboodiyaa
midka ila arooree
la itaal dareeyee
asaagee iga reebee
waa adi daraadaa
waxa lay ambinayaa
aan aduunka joogee
ha i geeynin aaqiro
hay ahaan nacabeey
adoon iiga adkeysan
ayaa lay af duubin

Lyrics by Maalmo.com

Aafidii aan kuu qodey
ha ii uuban dayninee
ha is oran inanku
wuu kuu ilduufey
af libaax inaan galay
adba waad ogsoontee
abrisaan wax deeniyoo
ha i siin abeesee
aan aduunkaa joogee
ha i geeynin aaqiro
hay ahaan nacabee
adoon iga adkeeysan
yaan lay af duubin

Anba dhib kuuma geeysanin
waxaad iigu iloowdey
ayaan daran fanteyda
ii kaa arkootee
aan adimadeydoo
eedsadoo isheydii
aan aduunka joogee
ha i geeynin aaqiro
hay ahaan nacabee
adoon iga adkeeysan
ayaan lay af duubin

Heesaha kale Omar Dhuule 'Cumar' Riix magcan

1 Comment

  1. Nice song

Leave a Reply