Saalax Qaasim Naaji - Alla Barashooy - Maalmo Somali music lyrics
Home page.
100 -ka Heesoo ay looga dhageesiga badanyahay .
Live chat Waa meel la isku barto oo Aad kala sheekeesan karto Dhalinta onlineka ah .

Heesta ayaa daarmeesa
Name

Alla Barashooy

Artist Saalax Qaasim Naaji
104,498 views

Aniguba baryaha qaar
waataan bad iyo wabi
buuraha ka lali jiray
aniguba baryahaa qaar
bulshada iyo sahankaba
waataan budulka marin jiray
waase bixiso bixisee
caashsaqan biyiyo oon
badankaygii kaba jaray
anigaa u buseelee
taan u beer cadaadee cadaadee
buhda iyo nafta ahayd
iyadaa iga baydhee
Bariidaduna waa sed’e
Ruux Bukaanka Kugu nacay
Adoo baahan kaatagay
samo, Samo ku banaanee
Alla barasho, barasho wacanaa
bi’i waa adduunyooyo
maxaad laba boglaysaa
hawlahaagu badanaa

Lyrics by Maalmo.com

Aniguba baryaha qaar
waataan dilaan jiray
ee aan baadka noqon jiray
aniguba baryaha qaar
biixida lafdhabartiyo
waataan qoorta bili jiray
waase bixiso bixisee
caashsaqan biyiyo oon
badankaygii kaba jaray
anigaa u buseelee
taan u beer cadaadee, cadaadee
buhda iyo nafta ahayd
iyadaa iga baydhee
Bariidaduna waa sed’e
Ruux Bukaanka Kugu nacay
Adoo baahan kaatagay
samo, Samo ku banaanee
Alla barasho, barasho wacanaa
bi’i waa adoonyooy
maxaad laba boglaysaa
hawlahaagu badanaa

Heesaha kale Saalax Qaasim Naaji Riix magcan

1 Comment

  1. I like to listen often to this song. because someone I loved has left me, when I became very sick!

Leave a Reply