Salad Darbi - Hana liicin (6666) - Maalmo Somali music lyrics
Home page.
100 -ka Heesoo ay looga dhageesiga badanyahay .
Live chat Waa meel la isku barto oo Aad kala sheekeesan karto Dhalinta onlineka ah .

Heesta ayaa daarmeesa
Name

Hana liicin (6666)

Artist Salad Darbi, Zeynab Cige
119,689 views

lix kun iyo lix boqol iyo
lixdan iyo lix baan kugu lalay

Lyrics by Maalmo.com

hayga laaban ha iga leexan
hana liicin hana labalagoobin

ama libinta seeg
ama labadi isi caashaqa
nafteyna iyo jaceylkaba
aan nabad galiyeynoo

ladnaan iyo barwaaqiyo
laag caafimaad baan kugu lalay

ha ladladin ha laflafin
ha layaabin hana laqin axdiga

lahaanshada ma gooyninee
labadii is caashaqa
nafteyna iyo jaceylkaba
aan nabad galiyeynoo

Jaceyl aan libdheynoo
aan libiqsaneyn baan kugu lalay

ha ligligan ha leexleexan
soo laxaadso hana labalagoonin

ama libinta seeg
ama labadi is caashaqa
nafteyniyo jaceylkaba
aan nabadgaliyeynoo

lix kun iyo lix boqol iyo
lixdan iyo lix baan kugu lalay

ha iga leexan ha layaabin
hana liicin hana laqin axdiga

ha laladin ha laflafin
ha laaybin hana laqin axdiga
lahaanshada ma gooyninee
labadii is caashaqa
nafteyna iyo jaceylkaba
aan nabadgaliyeynoo

Heesaha kale Salad Darbi, Zeynab Cige Riix magcan

2 Comments

  1. woooooooooooooooooooooow super zaynab

  2. kkkkkk mashaa alla qalbiga kacayow

Leave a Reply