Salad Darbi - Ima ogide waxan ahay - Maalmo Somali music lyrics
Home page.
100 -ka Heesoo ay looga dhageesiga badanyahay .
Live chat Waa meel la isku barto oo Aad kala sheekeesan karto Dhalinta onlineka ah .

Heesta ayaa daarmeesa
Name

Ima ogide waxan ahay

Artist Salad Darbi
81,710 views

Ima ogide waxan ahay
Axdi kuma cayaaro
Ima ogide waxan ahay
Ilaahay usamiroo

Lyrics by Maalmo.com

Waxan uur habreed galey
Awliyo tilmaaniyo
Afagaale iyo dirir
Agnamaarku wacanyahey

Ifkana waxaan usoo baxay
Aroor samadu furantoo
Imaankiyo kalgacalkuna
Iskuna keen Amaaneen

Sida ayro geelbaan
Kuu olalayaayo
Sida Ubad aan dhalaybaan
Kugu uur fayooboo
Sida olol la shidaybaan
Il dheer kaa arkaayo
Sida ubax labeerey
Indhu kugu farxaano
Sida Aayad diinaan
Afka kugu hayaaye
Adiguna aqoonsoo
ili dhehoo
docdaada ogoow

Ima ogide waxan ahay
In xun lama tusaanoo
Ima ogide waxan ahay
Samaa ruux loo uumoo

Waxan uur habreed galey
Afar iyo tobnaadiyo
Urur dayax la xero galey
Afku rooble iyo nabad

Aduunyada waxaan imi
Maalintii Islaamkoo
Lagu Iidey Xaramkoo
Ibliisku Uu xidh xidhanyey

Sida sheekh asluub laan
Kuu Amaanayaayoo
Sida uduga doogaan
Kuu iimaansadaayo
Sida oogadaydaan
kuu ilaaliyaayoo
Sidii nabi Ayuubaan
Adi kuu samraayoo
Sidii Abaa Hurayraan
Kuu Aaaminayaayoo
Adiga iyo Naftaydaan
Ifka ugu Jeclaayee
Adigu aqoonsoo
Ili dhehoo
Docdaada ogoow

Heesaha kale Salad Darbi Riix magcan

2 Comments

  1. waa wax anan dhici karin waxad iigu carootay marnaba laakin makula yabani somali ba saas noqotay

Pings and Trackbacks

Leave a Reply