Shamsa Cumar - Naftan - Maalmo Somali music lyrics
Home page.
100 -ka Heesoo ay looga dhageesiga badanyahay .
Live chat Waa meel la isku barto oo Aad kala sheekeesan karto Dhalinta onlineka ah .

Heesta ayaa daarmeesa
Name

Naftan

Artist Shamsa Cumar
62,168 views

Naftan gabiga dheer iyo
garbada ka lulatee
sidii oon gayaan kale
gayigeena lagu arag
goobaysa kaligaa
goortay ku waydana
dhirta goolal iyo jiic
midho iiga goo lihii
caashaqu u gaar yahay
galabtay ku aragtana
gal xareeda iyo wabi
looga gogol dhigaayee
guranaysa hoobaan
oomane gal kacal iyo
jacayl gaaxsanaa abid
hadii aad gudoon tidhi
galad weeye eebee
guri rays leh iyo doog
waynu gaadhi doonaa

Lyrics by Maalmo.com

Naftan gawre dhaxanliyo
gabadano u hoyatee
oomane kalgacaliyo
jacayl gaaxsanaa abid
hadii aad gudoon tidhi
galad weeye eebee
guri rays leh iyo doog
waynu gaadhi doonaa
gabo gabo colaadeed
guluf uu u dheeryahay
gabalkii u dhacaya
ee gogol la seexdiyo
gasiinkii la cuni jiray
labadaa midnaba garan
gaar ugu danbaysiyo
goondhabo walaal iyo
guhaad waalid haystaa

Heesaha kale Shamsa Cumar Riix magcan

Leave a Reply