Shamsa Cumar - Tawaawac - Maalmo Somali music lyrics
Home page.
100 -ka Heesoo ay looga dhageesiga badanyahay .
Live chat Waa meel la isku barto oo Aad kala sheekeesan karto Dhalinta onlineka ah .

Heesta ayaa daarmeesa
Name

Tawaawac

Artist Shamsa Cumar
87,118 views

Anoo taawi cudur iyo
nimaan taws lahaynoo
waxan tabanayaa jirin
oo guri tigaadliyo
raaxo aan ku talo galay
xurmadaan tusmaystiyo
tistuna ay isu muuqdaan
tufmayoo kalgcalkuna
ilamaa tin iyo cidhib
igu tiixay sidii roob
tabtii layla iyo qays
isu tabinay sheekada
kaanu dhiganay meel talo
soow ma tuurin wacadkii
ileen taran jacayliyo
talaal malaha caashaqu
ragna taada kama naxo

Lyrics by Maalmo.com

Tigaadda laacdiyo
wabiga lagu tayeystiyo
tabsin giir wax iga jira
annoon tigso wali odhan
saw tii banaan galay
saxariirku toban yahay
toddob baaqdey kawsaday
ma tiraabin waynoo
anna uma tawaawicin
todobaadba sheekadu
waxay taaga socotaba
ma ku taabay halistii
wadnaha dhiiga kala tagay
dadka qaadhi ma u odhan
ileen taran jacayliyo
talaal malaha caashaqu
ragna taada kama naxo

Heesaha kale Shamsa Cumar Riix magcan

1 Comment

  1. tawaawac

Leave a Reply