Shey Mire Dacar - Walee xalay xogtaan helay - Maalmo Somali music lyrics
Browse by Band / Artist :ABCDEFGHIJKLMNOPQRSTUVWXYZ  |  Top 50 Artists
.


Walee xalay xogtaan helay

Walee xalay xogtaan helay
xam xamta iyo sheekada
waxaan xiiso kuu qabay

Lyrics by Maalmo.com

ku xaraamay jiifkii
xajin waayey gogoshii
markaan soo xasuustaba
sidaad ii xumaysee

xaakim waa ilaahay
xagiisaan xigsanayaa
adna goysay xadhigii
ileen dumar xis malahee

ilaa xaawo idinkaa
xaasid noo ahaayo
noo bixiyey xagashee

xaqa lama afduubee
xagaad u xaglanaysee
aad u xeebanaysaa
armuu kugu xumaadaa

xaakin waa ilaahay
xagiisaan xigsanayaa
adna goysay xadhigii
ileen dumar xis malahee

Songs from similar artists