Siidi Cali winkay - Allaa Faxanee - Maalmo Somali music lyrics
Home page.
100 -ka Heesoo ay looga dhageesiga badanyahay .
Live chat Waa meel la isku barto oo Aad kala sheekeesan karto Dhalinta onlineka ah .

Heesta ayaa daarmeesa
Name

Allaa Faxanee

Artist Siidi Cali winkay
69,154 views

Allaa faxanee ruuxii
qurux uu ku faaniyo
filsan loo abuuroo
lagu fara-yareystoow

Lyrics by Maalmo.com

Ha la yaabin foolximo
fajac yeeysan kugu noqon
farsamada ilaaheey
firka laguma caayee!

Allaa faxanee ruuxii
rigta dheer la gee’iyo
ishii loo fatahayee
ceyr laga fogeeyo

Ruux farakhu maranyahey
ha u faanin waligaa
ileen farajka Eebaa 
markuu doono furayee

Allaa faxanee ruxii
fursad weyn la siyo
intuu fuulay meel sare
amarkiiso fulayo
ha fudeedeysan aadmigu
ha ku beerin fuleynimo
waxa fali Ilaahba
ileen fiirsanaaye.

Heesaha kale Siidi Cali winkay Riix magcan

1 Comment

  1. irhgfiserfhwefuiwe

Leave a Reply