Xuseen yuusuf tarabi - Indha Deeraleey - Maalmo Somali music lyrics
Home page.
100 -ka Heesoo ay looga dhageesiga badanyahay .
Live chat Waa meel la isku barto oo Aad kala sheekeesan karto Dhalinta onlineka ah .

Heesta ayaa daarmeesa
Name

Indha Deeraleey

Artist Xuseen yuusuf tarabi
133,827 views

Ilkaha u eg daruurtee
Ciridkaaga duhulka ah
Mowluhu ku daahiyo
Dibnaha dhuxusha moodee
Mar mar dib uga feeydiyo
Sanqaroorka soo dagay
Indha deeraleey

Lyrics by Maalmo.com

Daymada xishoodka
Markaad luqunta dadabtaa
Kolba laygu didayaa
OO layga darayaa
Indha deeraleey

Dumar ugu fil rooneey
Dayax shan iyo tobanaay
Dahab lagu metaaleey
Da’ada tii todaba toban
Gugan loogu darayee
Indha deeraaleey

Dib timaha u dhacayee
Diilimaha dhabarkiyo
Garbahoo dhan daahiyo
Sida tixida xaada
Dayruwaha qadaadkiyo
Sunayaasha duuga
Caman doombir laayeey

Daymada xishoodka
Markaad luqunta dadabtaa
Kolba laygu didayaa
Oo layga darayaa
Indha deeraleey

Dumar ugu filrooneey
Dayax shan iyo tobanaay
Dahab lagu metaaleey
Da’ada tii todaba toban
Gugan loogu darayee
Indha deeraleey

Markaad socodka damacdee
Daganida talaabada
Miisaanka lagu daray
Laafiyaha la daawado
Dadku wexeey yidhaahdaan
Meey daarin cidee
Daa’uus la moodyeey

Daymada xishoodka
Markaad luqunta dadabta
Kolba laygu didayaa
Oo layga darayaa
Indha deeraaleey

Dumar ugu filrooneey
Dayax shan iyo tobanaay
Dahab lagu metaalaay
Da’ada tii todaba toban
Gugan loogu darayeey
Indha deeraaleey

Heesaha kale Xuseen yuusuf tarabi Riix magcan

Leave a Reply