Mohamed Cirro - Jirid - Maalmo Somali music lyrics
Browse by Band / Artist :ABCDEFGHIJKLMNOPQRSTUVWXYZ  |  Top 50 Artists
.


Jirid

Mohamed Cirro:
Joogaaga inanyahay
Markii aan jaleecaba
Kama jeesan karayoo
Adigaa ijeetee

Lyrics by Maalmo.com

Yurub Geenyo
Anigaa ku janatayoo
Kuu jeelan adiguyee
Sida igu jeedaan
Anna kuu jecleestee

Labdoodaba:
So hor joogsigaaga
Ay jamataa naftayduye
Jirid waxaad tahay
Weligeed aan jabin

Mohamed Cirro:
Jeegaan la mood yahee
Jeehaaga quraxda leh
naftaydaan u jeelanoo
Ku jilbeesan adigee

Yurub geenyo:
Jeexeega midagoo
Adaa kuu jirabanahee
juqda ha iga jarinoo
ha’iga jeesan abidkaa

Labdoodaba:
So hor joogsigaaga
Ay jamataa naftayduye
Jirid waxaad tahay
Weligeed aan jabin

Songs from similar artists